Waa maxay xanuunka babaasiirta ?
Xanuunka babaasirta waa xanuun ka dhasha xargaha dhiiga ee ku yaal agagaarka qaybta hoose ee mindhicirka ama kaadi mareenka . Xanuunkan wuxu noqon karaa mid gudaha internal ama dibada extranal ku yaal waxana sababa cadaadis xad dhaaf ah oo ku yimaada xargaha dhiiga taaso keeni kaetaa in ay bararan ama dilaacaan.
Qaybaha loo kala qaybiyo babaasirta
1.Babaasirta gudaha ku yaala mindhicirada badan ma keenaan xanuun laakiin waxay sababi karaan dhiig baxa .
2. Babaasirta dibadda wuxu ku yaala meelaha u dhow kaadi mareenka waxay sababi karaan xanuun cuncun iyo barar waxay noqon karaan kuwo muuqda
Noocyada lagu garto babaasirta
1.Barar muuqda oo ku yaala agagarka kaadi mareenka
2.Dhiig baxa ka yimaada kaadi mareenka
3.xanuun waxad dareemaysaa raaxo daro ku dhaca meelaha u dhow kaadi mareenka
4.Cuncun ama xasaaasiyada ku dhacda meelaha u dhow kaadi mareenka
waxyaalaha keena ama sababaha
1.Dada oo kordhaysa waxayna kordhin kartaa khatarta babaasirta
2.Cadaadiska xad dhaaf ah oo ka dhasha shuban calool fadhiga ama xiliyada uurka
3.Fadhi la’aan iyo jimicsi la aanta
sidee loo daaweeyn karaa
1.Qaliin hadi dhibaatooyinka sii socdaan ama ay adag yihiin waza laga yaaba in qaliin loo baahdo si loo sax
2.Daawooyinka waa inaad qaadaataa daawooyinka ka hortagga xanuunka iyo cuntooyinka tusaale kremyo ama saliid daawooyinla ka hortaga shubanka
3.waa inaad samaysaa jimicsiga joogtada aha si loo yareeyo cadaadiska isticmaal hababa kala duwaan oo jimcis aha wuxa yaraanaya dhamaan culaysyadii ku saarna
4.waa inaad badashaa cuntada waana inaad cuntaa fiber badan cunto leh sida khudaarta , miraha iyo dhaaman cuntooyinka leh whole grainka .
Babaasirtu waa xaalad caafimaad oo aad u caadi ah laakin waxay keeni kartaa raaxo daro iyi dhibaato fahamka sababaha calaamadaha iyo daaweynta ayaa muhiim ah si loo xakameeyo xanuunka hadii aad la kulanto calaamaha babaasiirta waxa haboon inaad la xidhidho xarumaha cafiimadka ama aad hore u gaadho si aad isku baadho oo aad u ogaato xanuunkaaga. Dadka soomaaliyeed way fududaha inay ku dhacdo waayo badan ma sameeyaan waxa looga bahan yahay ama talooyinka la siiiyo sida jimcsiga oo maba sameeyaan badankaa . Markaa waxa lagaga baahan yahay inaad talooyinka caafimaadka aad qaadato .
Wacyi galinta bulshada ku sabsan babaasiirta waxay kaa caawin kartaa in la yareeyo dhibaayooyinka iyo khataraha la xirirta xanuunka markaa bulshadu ay fahanto xalaadda caafimaadka waxay kaa caawinaysaa in la dhiso ama si fudud loo ogaado xanuunkastoo bulshada hayaa taask ugu danbaynyii u horseedaysaa in dadku ay raadsadaan caawimaada oo ay qaataan talooyinka cafiimaadka ee ay siinayaan dhakhaatirta waana muhiim inaad qaadato talooyinkas.
Malmaha ay ku yaaraan karto
babaasiirta waxay ku yataan kartaa wakhti kala duwaan waxan isla eegayn bal maalmaha ay ku yaraan kartoo iyo sida ay u kala baxaan
1.Nooca ay noqon kartoo babaasirta hadii aan ku horayno babaasirta gudaha badanaa ma keenana xanuun laakin dhiig baxa ayaa dhici karaa calaamadaha waxay u bahan tahay inayanu uga yaraan dhowr maalmood gudaheeda aynu ku yaraayno inago samaysana ka hortaag . Nooca laabaad waxa la dhaha babaasirta dibadda waxay sababi karaan xanuun iyo cuncun waxaana laga yaabaa inay qaadato toddobadyo in layareeyo calaamadan .
2.Daawada la qaato hadii aad raacdo talaabooyinka caafimaadka sida cunista cuntooyinka fiber ka badan cabiyaanka biyo kulul iyo isticmaalka daawooyinka aaan qorayn calaamadaha waxa laga yaaba in ay si dhakhso ah u yaraanayaan dhaaman xanuunadii ku hayeye ee babaasirta waxa laga yaaba inay qaadato 4 ilaa 7 cisho ama maalmood waa hadii aad. Sidii la rabeyey u qaadato daawooyinka .
3.Caafimaadka guud hadii aad qabyo xaalaad caafimaad oo kale sida shubanka ama cudur kale waxay saameeyn ku yeelan kartaa wakhtiga ay qaasanayso iyo dhaaman calaamadaha yaraanayaa markaa waa inaad ogahay dhamaan xanuunada sida ay kuu saameyn karaa. Sidaa ay u kala badan yihiin ayaa loo eegaya in la yareeyo xanuunka .
Calaamdaha baabasirta waxay ka yaraadaan dhowr maalmood ilaa toddobaadyo iyadoo ku xiraan nooca babaasirta daaweynta oo la qaato iyo caafimadkaa guud oo lala socodo markstaa. Hadii aad calaamadaha ay sii socdaan ama ay xumaadan waxa muhiim ah inaad la xirirto dhakhtarka markaa kugu dhow waayo wuxu ku siinayaa talooyin aad u badan iyo baadhitaan .
Babaasirta waa xalaad caafimaad oo caadi ah laakin hadii aad la kulanto calaamado raac talooyinka si aad u yareeyso xanuunka aad dareemayso qaado wacyi galinta lagu siinayo raadao cawiimaad mid muhiim aha si aad u ilaaliso cafimaadkaaga.

0 Comments