WAA MAXAY HIV /AIDS
Xanuunkii dilaaga ah ee HIV waxa loo soo gaabiyaa luuqada Englishka (Humon Immunodeficieny Virus ). Caabuqan waxa uu ku dhacaa ama weerbaar habdhiska difaaca ee jidka sida oo kale wuxu si tarting aha ugu gaaf as habdhiska jidhka ee qofku Bini aadan ka ah sidoo kale wuxu weeraraa unugyda jidhka ee Cd4T cells kuwaas oo qayb muhiim ah ka aha habdhiska difaaca ee jidhka .
Sido kale HIV gu wuxu burbiriyaa awooda jirka ee ladagaalanka cudurada. Hadii aan la daawayn wuxu keebi karaa hoosbu dhac ku yimaada habdhiska difaaca ee jidhka qofka bani adamka taas oo ogolaanaysaa in ay cuduro farabadan jidhka ku dhashaan kuna faafaan.
Sida oo kale waxa jira waxa la dhoho AIDs loona yaqaano luuqada englishka (Aquired immunodeficiency syndrome) waan heerka ugu danbeeya ee HIVga kaas oo ha in difaaca jidhku si buuxda u burburiyo ama markaa uu qabo qudurka faraha badan oo ka dhasha nidaanka difaaca jidhka oo hoos u dhaca.
Hadaba AIDsku ma aha cudur cusub ee waa xalada cafiimad oo ka timaada HIVga oo aan ladaawayn mudo dheer
Calaamadaha lagu garto qofka qaba HIVga
1.Qandho
2.madax xabuun fara badan
3.cunaha oo xanuuna
4.finaan qofka ka soo baxa
5.Qufac fara badan
6.miisaanka qofka oo hoos u dhaca iyo waxyaalo kale oo fara badan .
Habka uu u gubdo xanuunkani
wuxu u gudbaa siyaabo badan waxan kaga hadlayna qaar ka mid aha siyaabaha uu ugudbo
1.Xiriirka galmada waynu oglanahay galmada waa xaraan waana waxan ka hadlayna galmada xaaran tahay waa lagu kala qaada gar ahaan markaa la isticmaalayn hababka aan badbaado ahayn .
2. Dhiiga isticmaalka qalabka irbada ee qofka qabaa HIVga qaba isku mudo ama lagu mudo ama sida oo kale hadii Dhiiga qof qaba HIVga uu galo qof kale iyana waa xaalada lagu kala qaadayo weeyn.
3.Qalabka caafimadka oo aan la nadiifin oo si khaldan loo isticmaalo
Astaamaha HIV/AIDS
1.Marxaladda hore qofka waxa laga yaaba inuu la kilometers hoos u dhaca ah sida qandho , madax Xanuunkii iyo daal
2.Marxaladda Dhalada qofku wuxu ku jiri karaa xalada caafimaad oo wanagsaan Laakin HIV hi wuu sii kordhayaa
3.Marxaladda AIDS marka unugyada CD4 ay hoos ugu dhamaan heerarka khatar ah . Qofka wuxu noqon karaa mid unugul infection ka iyo cudurrada kale sida pneumonia, tuberculosis iyo qaar kale oo khatar ah.
Ka hortaga cudurkan
1.Waa in dadku horay ay u guursadaan si loo yareeyo khataraha ka dhalankaraa galmada sharif darada ah
2. Gudniinka si loo yareeyo ekfashinada xubnaha Tara ka ku jira sida wiilasha oo kale
3.In layareeyo isticmaalka alkahoolka ama daroogada
Daaweynta HIV/AIDS
ma jirto daawo rasmi ah oo HIV ah daaweynta antiretroviral waxay ka caawisaa dadka qaba HIV inga nolol caafimaad leh ku noolaadaan daaweyntani waxay ka hortagtaa in fayrasku uu noqdo mif faafiya waxayna ka caawisaa in unugyada CD4 la ilaaliyo tani waxay sido kale yareysaa halista gudbinta HIV ga.
Ugu danbeen si aad ugu hortagto xanuunka halista badan ee HIVga qofka waxa wanagsan inuu ahaado qof dhowrsan usan u galmiin ama usan ku dag dagin aad ayey u xun tahay waayo ilahay raali kama waxa laga yaaba in aad xanuunka halista HIVga cagar showga iyo xanuunada kale aad qaado.
Sida kale waa in uu qofku fogaada aagadah iyo irbadaha yaala meelaha cafimaadka ama hospitalada waxa wanagsan caagadaha ama irbadahada dadka ay isticaamaaleen in meel wanagsan la geeyo inta la qaadayo sida oo kale waa inaad iska ilaalisaa irabadaha muqaadarka ee gacmalaha lagu qaadanayo kuwaaso qof kasta uu la isticmaalayo qofka kale waan arin halisteeda wadaa waayo waxa si yar loogu kala qaaday HIVga.
Sida oo kale waa in ay ka fogaadan si gaara aha bahda caafimadka waa in aysan ku dag dagin marka ay dhayayaan dhaawacyada ama qofka ay irbada durayaan waxa wanagsan in ay isticaamalan golofyo sida oo kale irbadahana marka ay qofka ku mudaan waa in ay meesha loogu tala galay galiyaan intaay irbada furka ku xidhaam waana masuuliyada weeyn inay ka digtoodaan arimahaas.
Qof kastoo xanuunka qabaa waa in si wanagsan loola dhaqmaa oo aan la midabta koor lagu sameeynin lana ilaaliyaa waa in la dhiir galiyaa si uu isagana dhiir galin ugu noqoto oo uu san u dareemin in xanuun hayo. Ama xanuun ku dhacay.
Dhakhaatirtaan waa inay markasta ka hortag sameeyan dadkaan ka wacyi galinyaa xanuunkastoo aduunka ka jiraa dadkaan talooyiin wanagsaj siyaan una sheegan qaabka looga hortagi karoo si bulshadu iskaga ilaaliso xanuunada .
Dadka qaar ayaa aaminsan hadii xanuunka HIVga ku dhoco in aya dhamaan markiiba markaa waxay u baahan yihiin dhirigalin badan in la siiyo .
HIV/AIDS waxay saameyn ku yeelatay bulshooyinka addunka oo dhan . Waxay keentay in dadk badan ay aamusan yihiin xaladooda taaso adkeynaysaa in la helo daaweeyn iyo taageero . Wacyigelinta iyo taageerada bulshada ay muhiim u ah yareynta saaneynta HIVga.
HIV/AIDS waa dhibaato caafimaad oo caalami ah laakin waxa loo ogyahay in la daaweeyn karo oo la xakameyn karo . Fahamka hababka faafitaanka astamaha iyo ka hortagga ayaa muhiim u ah in la yareeyo saameynta HIV/AIDS. Wacyi galinta iyo taageerida bulshada ayaa sido kale muhiim u aha in laga hortago xanuunkan .

0 Comments