Ticker

6/recent/ticker-posts

Ad Code

Responsive Advertisement

WHAT IS THE MIGRAINE ?




         Waa maxay dhanjafku ?

Dhanjafku waa madax xanuun ku dhaca madax waxayna kee I kartaa daciifnimo , Garaacid madax xanuun  hal dhinac leh waxay keeni karaan calaamado ay ka mid yihiin daal , lallabo , isbadalka aragga , xanaawa iyo waxa ka badan  bixiya daryeelka caafimaadka wuxu kaa caawin karaa inaad maarayso calaamadaha si aanay madac xanuunka dhanjafku u qaadin noloshada 

xanuunka waa mid dumarka ku badan markaa raga iyo dumarka la is barbar dhigayo waa xanuun calamadiihisa ugu badan yihiin wakhtiga dhalinyaranimada xanuunka 100% lama yaqaano  waxa keena. Laakin waxa la og yhaya qaabka uu dhaco wuxu yahya in dadka xanuunka u nugul ay maskaxdooda soo dayso dheecaamo oo maskaxada xididadeeda saamayn ku yeesha xididana balaadhiya , xididadu markaay balaadhan waxa dhacaysa in qofku madax xanuun yeesho.

Madax xanuunkani maha mid joogta ah laakin waxa weeye mid qofka marna kuca marna ka dega hadii , hadii xitaa qofku daawo qaadan xitaa waxa dhacaysaa inuu qofku saddex cisho uu caadi iska ahaado oo sidiisi hore ku soo laabto 


xanuunkan maxa lagu gartaana 

xanuunkan waxa lagu gartaa madax xanuun u badan hal dhica oo qudha waliba qaybta hore ee madax ayuu inta badan yahay laakin labada dhinacba wuu noqo karaa sida oo kale madax xanuunkaas noociisa wuxu yahay mid garaaca madax oo aad lagu garaacayo oo kale aad iyo aad u xanuun badan runtii , Qofka markuu madax xanuunku ku koco waxa u raacayaa inuu hadalka dhibsanayo , inuu urta dhibsanayo , inuu dhibsanayi iftiinka ,waxa kale oo laga yaaba inuu yeesho matag iyo yalaalugo intaa uu xanuunkani ku kacsan yahay qofka hadii uu shaqada uu hayo waxa dhacaysaa inuu xanuunku ku sii bato  laakin hadii qodku qol madow hadii uu galo oo uu jiifsado madax xanuunku wuu ka degayaa wuuna ka yaraanayaa  qofku calaamaha uu lee yahy xataa hadii uusan daawo u qaadan waxa dhacaysaa sacado yaro oo kooban ilaa ugu badnaan saddex cisho inay iska tagaan , calaamadahan dadku way ku kala duwaan yihiin inata jeer ee ay ku soo noqnoqdaan , qaar isbuuci dhowr jeer arka ayaa jiraa , qaarna sanadki ama bishii ayeye hal mar arkaan . 

Xanuunkaan yuu ku dhacaa 

 xanuunkan wuxu ku dhacaa hido ahaan dad u nugul taas oo ay ka dhaxleen waalidintood  laakin waxa jiraa waxyaabo dadka ku kiciya xanuunka oo aad samayn karto inaad barato inaad qortoo ka dibna aad iska ilaaliso waan ta ugu muhiimsan ee xanuunka aad iskaga daryeeli kartoo si dhibtiisa aad iskaga ilaaliso.

Qodobo ku saabsan dhanjafka 

waxan kuu soo gudbinaya qodobo fara badan qodobadaas oo aha inaad iska eegto inay kugu kiciyaan iyo in kale , hadii aad ogaato inay calaamadahaasi kugu kiciyaan iyo in kale  , dawaada koobada  ee ah inaad samayso waxa weeye inaad iska ilaaliso waxyaabaha kugu kicinaya 

1.Hurdo laanta qofku haduu seexan waayo ama uu nasan waayo waxa dhacaysaa in jidhkiisa ama maskaxdiisa ay soo dayso dheecaanadii xanuunka ku sababayeye waxan aad u muhiim aha qofka la nool dhanjafka unuu helo saacado hurdo oo ku filaan shaqada iyo daalka faraha badan waxay kiciyaan calaamadaha xanuunka in kastoo loo bahan yahay in nolosha la shaqeeyo hadan qofka xanuunka leh wuxubu baahan yahay qof xanuunkan hayo inuu saacado badan nasto si uu u ilaaliyo xanuunka .

2. Cuuntooyinka iyo cabitaana ayaa qaara ayaa iyaguna sabab u noqo karaa in madax xanuunkani kugu kaco , hadaba maxa ka mid aha. Waxa ka mid aha chocolate ka ku fura badan yahay hadii aad mar walba isticmaasho 

3. Hadii aad isticmaasho bun aad iyo aad u fara badan oo xadigiisa badan yahay  wuxu samayn kugu yeelan inuu kugu kaco madax xanuunku 

4.sido oo kale balwada kama maqnaa oo qofka xanuunka la nool inayana saamayn aad u weeyn ayeye ku yeelanaysaa 

5.Isbadalka dheecaamada jidhku waa mid ka mid aha sababaha keeni karaa madax xanuunka ama dhanjafka sidaa dumarka wakhtiga caadada , sidaa ururku marka uu bilowga yahay iyo dumarka dhalmo dayska aha is badalka dheecamada iyagan ku dhaca.

6.sida oo kale isticmaalka shaashadaha kala duwaan sid Tvga , mobile ka, computerka dhaamantooda waxay kugu keenaya madax xanuun markaasto iftiinkoodu kugu dhaco 

7.waxa kale oo ka mid aha cadceeda faraha badan iyo qabowga faraha badan labadu waxay kugu kicinaya madaxuunka sido oo kale meelaha buuqa badan ka jiro dadka qaar bay madax xanuunku ku ciyaan . Walwalka , istaraska , cabsida dhamaantood waxay keenaya dhanjafka ama madax xanuunka  

8.sida oo kale haraadka ama oonka waa shay kugu kicin karaa madax xanuunka markaa waxad u bahantahay inaad biyo badan cabto oo aad isticmaasho .

Xanuunka dhanjafku sidiisaba malaha daawo abadiyana oo qofka ka kaxaysa malaha ilaa maanta inta la og yahya laakin waxa muhiim aha sidaynu hore u soo sheegnay inuu qofku barto calaamadaha iyo sababaha ku kiciyaa ka dibna uu qorto noloshiisa ku dabakho iskana ilaaliyo si uu uga  bad baado calaamadaha dhanjafka inta uu awoodo taas waxa dheer in iyadana la samayn karoo in calaamadaha kala duwaan ee uu lee yahay dhanjafku la dawayan karoo marka ay kugu kacaan  waxad samyn kartaa waxad qaadan kartaa daawooyinka pharmacyga lagag qaato warqad la aanta ee ay ka mid yihiin paracitimole,  dikfilon  iyo dhaaman kuwa la mid aha .

Post a Comment

1 Comments