Ticker

6/recent/ticker-posts

Ad Code

Responsive Advertisement

WHAT IS THE HEART ATTACK ?

 


Waa maxay  wadna xanuunku ama caronary artery disease 

Wadna xanuunku waa xalada caafumaad oo ku timaadda wadna waxan sababa xididdada dhiigga ee wadna oo xidhmay ama daciif ah xididdadani waxay qaadaan dhiiga oxygenka leh ee loo baahan yahay si wadnaha uu si fiicaan u shaqeeyo. Markaa xididdadaasi ay xidhmaan waxay sababi kartaa xanuun culeys ama xitaa xanuunka wadnaha ee loo yaqaan heart attach .

Waxyaabo badan ayaa sababa wadna xanuunka.

Jimicsi la aanta fadhiga badan  waxay keenaysaa kororka miisaanka iyo cadaadkisak diiga waana arin kugu keeni kartaa dhibaato waxad u baahan tahay inaad samayso jimcisi maalin kasta ah.

Cabista sigaarka sigaarku wuxu dhaawacaa xididada dhiigga waxayna kordhisaaa halista wadna xanuunka. Sunta sigaarka ayaa sido kale dhibaato u keeni kartaa xuubka halbowlayaasha taaso keeni karta dhaawaacan bilowga ah. Markaa unugyada aya dhaawacmaan waxay sii daayaan fariimaha kiimikaada ee soo jiidanaya unugyada dhiigga cad oo aha qayb muhiim ah oo ka mid aha habka difaaca jirka .

Unugyadaab dhiiga cad waxay galaan gidaarka halbowlaha waxayna sabaaban caabuqa ku dhava halbowlaha unugyada dhiiga cad waxay ay sidoo kale cunaan kolestaroolka darbiyasa halbowlaha ku dhegan taas oo keenta in ay samaysmaan xariijimo.

Stresska cadaadiska iyo walaaca joogtada aha ayaa sameeyna ku yeelaan karaa cafiimadka wadna  xanuunka .

Cudurada kale waxa ka mid aha sonkortarka cadaadiska dhiiga saew iyi kolestaroolka sare ayaa sidoo kale sababi kara wadna xanuunka .

Calaamadaha wadna xanuunka. 

1.xanuun ama cadaadis ku yaal laabta

2. Neefsashada oo adkaata

3.Daal aan caadi ahayn 

4.Qandho ama dhidid fara badan 

5.Xanuun oo ka fida garbaha ,dhabarka ama qoorta

6.Dhiig karka oo kor u kacaa wuxu dhibaatayna wadna xanuunka.

7.Yalaalugo iyo matag inuu yeesho

Talooyinka caafimaadka ee wadno xanuunka

1.cunto caafimaad leh : cuntooyinka caafimaadka leh sida khudaarta miraha iyo cuntooyinka kale

2.Jimicsi joogto aha waxad u baahan tahaya inaad jimicsi joogto aha aad samayso maalinkastaa si aas iskaga ilaaliso xanuunada oo dhan 

3.cabista sigaarka hadii aad tahay qof caba sigaarka waa inaad ka fogaataa sigaarkaa wuxu kuu keenaya dhibaato badan markaa waa inaad ka fogaataa dhaaman wixi dhibato kuu keenaya oo ah dhamaan mukhaadaradka ah.

4.maaraynta stresska waa inaad isticmaasha farsamooyin aad kaga hortagayso stresska si aad iskaga joojiso dhibaatoyinkiisa .

5.la soco caafimaadkaaga hubi in aad si joogto ah u kormeeto cadaadiska dhiigga kolestaroolka iyo sonkorowga waa inaad maalinkasta samaysaa cabir oo aad dhakhtarka tagtaa .

6.Biyo badan waa inaad cabtaa maalinkasta oo kugu filaan si aad u ilaaiso dheecaanka jirkaa 

7.Hurdo kafiilan waa inaad hurdo badan heshaa maalin kastaa 8 ilaa 9 saacaadood oo hurdo aha habeenkii.

Wadna xanuunka waa xalaad khatar ah waxana muhiim aha in la raavo talooyinka caafimaadka si loo yareeyo halista hadii aad dareento calaamadaha wadna xanuubka waa inaad hore u gaadha dhakhtarada la xidhiidha wadna xanuunka  si aad u hesho talooyin caafimaad oo dheeri ah nolosha caafimaadka leh iyo taxadarka caafimaadkaaga ayaa muhiim ah in aad ilaaliso caafimaadka wadnahaaga.

Daawooyinka loo isticaamlo wadna xanuunka CAD waxay ka koobaan yihiin noocyo kala duwaan oo daawooyin ah kuwaas oo loo isticmaalo si loo yareeyo calaamadaha xanuunka iyo halista uu wato. Iyo in la taageero  caafimaadka wadnaha.

1.Antiplatelet agents :Aspirin caawiyaha in la yareeyo halista xanuunka wasnaha. Clopidogrel (plavix) waxa loo isticmaalaa si loo ilaaliyo dhiiga oo aan si sahlab u xirmayn.

2.metoprolol waxay yareeyaan cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha taasoo ka caawisa in la yareeyo xanuunka. 

3.Statins : atorvastatin simvastatin waxay hoos u dhigaan kolestaroolka dhiiga. Taaso kaa caawisa in la yareeyo halista xanuunka .

Wadna xanuunku waa xalaad caafimaad oo khatar aha waxana muhiim ah in. Bulshada la siiyi talooyin iyo taageero si loo yareeyo halista iyo dhibaatooyinka uu lee yahay xanuunkan waxana soo gudbin doona dhowr talooyin oo ay u baahan yihiin bulshada in ay u sheegano .

1.wacyi galin iyi aqoon kororsi bulshada ku wacgi gali halista uu lee yahay xanuunka iyo calaamadaha lagu garto u qabo siminaari ama kulamo ku saabsaan caafimaadka wadno xanuunka. Si kor loogu qaado aqoonta bulshada.

2.Cunto caafimaad leh waa inaad bulshada ku dhiirgalisaa inay cunaan cunto caafimad leh oo ku jirtaa qudaar  miraaha iyo dhamaan cuntooyinka laga helayo cafiimadkaa oo waliba yaranaya wadno xanuunka. Samee barnaamij loogu tala galay in lagu baro karinta cuntooyinka caafimaadka leh .

3.Jimicsi iyi dhaqdhaqaaq dhiiri gali in la sameeyo koox jimicsiga sameeya si dhaamaan bulshada ay dhiiri galin ugu noqoto 

4.Taageero bulsho samee kooxo taageero oo looga talagalay dadka la dhibaataysan wasna xanuunka si ay isugu yimaadan u wasaaga khibraha iyo dhamaan talooyinka cafiimadka . Bixi adeegyo taageero oo qof qalba ay heli karaan .

Bulshada waxay door muhiim ah ka ciyaaraysaa ka hortagga iyo maareynta wasna xanuunka ku dhiirigelinta caafimaadka wacyigelinta iyo taageerada bulshada ayaa gacan ka geyaan kartaa yareynta halista iyo xoojinta caafimaadka ee wadna xanuunka .

Post a Comment

0 Comments